Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qorsheysan oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen saldhiga Booliska maamulka Ashahaado la dirirka Puntland ee magaalada Boosaaso oo ah xarunta gobalka Bari.
Weerarka ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay maleeshiyaatka Puntland waxeyna Goob joogayaal sheegeen iney maqlayeen dhawaaqa qaraxyo iyo rasaas ka dhacaya saldhigaasi.
Inta la xaqiijiyay weerarkan qorsheysan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday ugu yaraan Afar askari oo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Gaala raaca Puntland.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah maamulka Puntland oo ka mid ah maamulada dowladda Xabashida Itoobiya ay ka sameysatay gudaha dalka Somalia.
Calamada.com