Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay weerar naf hurnimo ah oo maalintii shalay ka dhacay bartamaha magaalada Kaabul ee caasimada dalka Afghanistan.
Weerarkan waxa uu ka dhacay meel u dhaw safaarada dowlada Nasaarada Mareykanka ee magaalada Kaabul,waxaa camaliyadan Istish-haadiyada ah sigaar ah loola beegsaday saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan maamulka Ashraf Gani oo mushaar ka qaadanayay Banki ku yaala magaalada Kaabul.
Inka badan Shan iyo Toban isugu jirta saraakiil iyo askar ka tirsan maamulka daba dhilifka Afghanistan ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarkaasi naf hurnimada ah.
Mas,uuliyadda camaliyadaan waxaa sheegtay Imaarada Islaamiga Afghanistan,iyadoona camaliyadaan uu fuliyay Mujaahid ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Imaarada kaasi oo lagu magacaabo Al-mulaa Xasiibullaah oo deegaan ahaa kasoo jeeda gobalka Baglan ee Waqoogya Afghanistan.
Calamada.com