Weerar Xoog ku gal ah ayaa lagu qaaday xarun ciidan oo maamulka daba dhilifka Ashraf Gani ku leeyahay magaalada Kaabul ee caadimada dalkaasi.
Xerada ciidan ee weerarka Inqimaasiga ah lagu qaaday ayaa ku taala xaafada Tobanaad ee magaalada Kaabul waana xero ay leeyihiin ciidmada Booliska Maamulka Ridada Afghanistan.
Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Imaarada Islaamiga Afghanistan Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid ayuu ku xaqiijiyay in Howlgalka Inqimaasiga ah ay fuliyeen Rag ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga,waxa uuna uu intaasi ku daray in howlgalkan qeyb ka yahay Xamlo Dagaaleedka xilliga Gu’ga ee Al-khandaq.
Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid ayaa intaasi ku daray in Camaliyadan lagu dilay saraakiil iyo askar fara badan oo Murtadiinta Afghanistan ah,waxaana weerarka Inqimaasiga ah bar bar socday Qaraxyo dhowr ah kuwaasi oo sidoo kale sababay inuu sii kordha khasaaraha cadowga Allaah kasoo gaartay weerarkaasi.
Howlgalkan Inqimaasiga ah ayaa kusoo aadaya xilli Labo Todobaad gudahood ah ciidamada Mujaahdiinta Dhaalibaan ay la wareegeen gacan ku heynta Afar Magaalo oo wada dhaca Waqooyga dalka Afghanistan.
Al-khandaq oo ah xamlo dagaaleedka Xilliga Gu’ga ee dhawaan ay ku dhawaaqday Imaarada islaamiga Afghanistan ayaa si dardar leh ku socda,waxeyna Durba ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan soo hoyeen Guulo waaweyn oo isugu jira Furashada magaalooyinka iyo xasuuqidda Saliibiyiinta Mareykanka iyo kuwa maamulka daba dhilifka Kaabul.