Wararka ka imaanaya wadanka Montenegro ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday dhismaha safaaradda dowladda Saliibiyadda Mareykanka ay ku leedahay magaalada caasimadda ah ee Podgorica.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ruux watay Bambaanooyinka gacanta laga tuuro uu weeraray dhismaha safaaradda Mareykanka kadibna uu isdilay oo uu naftiisa gooyay.
illaa laba weerar ayaa la xaqiijiyay in lagu qaaday safaaradda, weerarka koowaad ayaa lala helay barxadda safaaradda oo ku dhaxyaal gudaha dhismaha halka weerarka 2-aad lagu qaaday wadada hor marta safaaradda Mareykanka ee Montenegro.
Ciidamo katirsan Booliska ayaa goobta weerarku ka dhacay gaaray mana jirin wax khasaara ah oo gaaray shaqaalaha safaaradda sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka.
“safaaradda Mareykanka waxay u sheegaysaa muwaadiniinta Americanka ah ee ku sugan magaalada Podgorica in ay guryahooda ku nagaadaan sababa laxiriira xaalad ammaan oo jirta waa in ay ka fogaadaan safaaradda illaa amar dambe” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Mareykanka.
Illaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan balse waxaa bilihii dambe soo ifbaxayay kooxo ka dhisan Yurub oo kasoo horjeeday siyaasadaha qallafsan ee Donald Trump uu kula dhaqmayo dadka soo galootiga ah.
Montenegro waa dal yar oo horay uga mid ahaa Jamhuuriyaddii la oran jiray Yugoslavia balse dalkan ayaa bishii May, 2017 si rasmi ah ugu biiray Ururka NATO wuxuuna noqday wadanka 29-aad ee isbaheysigaasi kamidka ah.