Taliyaha ugu sarreeya ciidamada melleteriga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lakulmay weerar aad uxooggan oo ladoonayay in lagu khaarijiyo xilli uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa lagu dhuftay kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage xilli uu marayay inta udhaxaysa Tarabuunka iyo isbitaalka Xoogga ee degmada Hodon.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu beegsaday Jeneraal Odawaa “Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday taliyaha Murtadiinta kooxda Ridada xilli uu marayay agagaarka wasaaradda G/dhigga” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa khasaaraha ka dhashay weerarkan ku sheegtay 5 askari dhimasho ah, 9 askari dhaawaca ah oo dhammaantood ahaa istaafka gaarka ah ee Jeneraal odawaa iyo sidoo kale burbur gaaray sedax gaari oo kamid ahaa kolonyadii uu la socday sarkaalka labeegsaday.
Ilo wareedyo lagasoo xigtay saraakiisha DF-ka ayaa sheegaya in Odawaa uu si dirqi ah ku badbaaday balse ay weerarka ku hoobteen ciidamo badan oo ilaala u ahaa Jeneraalka labeegsaday.
Odawaa ayaa ah sarkaal xiriir laleh sirdoonno caalami ah waxayna si aad ah isugu dhowyihiin Max’med Cabdullaahi Farmaajo oo ah madaxweynaha dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.
????hada taliye murtad wuu badbaday ,markle inuu mujahidinta ka badbadaayo umalaymaayo.