Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Shariif Sakiin lagu gaarsiiyay weeraro ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Baay.
Weeraradan oo ah kuwoo dhabba gal ah waxaa loo dhigay maleeshiyaat ka wada tirsan maamulka Shariif Sakiin kuwaasi oo kasoo kala baxay degmooyinka Baydhabo iyo Bardaale.
Maleeshiyaatka Labadan kamiin loo dhigay ayaa doonayay iney sahay kala qaataan,iyadoona faahfaahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay weeraradaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weeraradaasi lagu dilay Sideed askari laguna dhaawacay Sagaal askari kuwaasi oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Shariif Sakiin.
Sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gacanta ku dhigay Labo qori oo kala ahaa Ak47 iyo Qori PKM-ah hubkaasi oo ay la haayeen maleeshiyaatka Shariif Sakiin ee weeraradaasi lala beegsaday.
Calamada.com