Weraro lagu dilay askar Kenyaati ah gaadiidna looga gubay ayaa ka dhacay Gobolka NFD ee ay Kenya gumaysiga ku haysato
Weeraraan oo ahaa qaraxyo ayaa lagu beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamada milatariga Kenya xiili ay ku socdaalayeen qaybo kamid ah gobolka NDF, gaar ahaan Mandheera.
Gadiidka laga qarxiyay ciidamada Kenya ayaa gaaraya ilaa labo gaari oo ah nuuca ciidamada qaada, waxaana xilliga la qarxinayay ay marayeen inta u dhaxaysa deegaanada Carabiya iyo Finnoow ee ka wada tirsan Mandheera.
Mid kamid ah labada gaadiid ee la beegsaday ayaa gabi ahaanba gubtay, waxaana dhimasho iyo dhaawac u qaybsamay dhamaan askratii gaariga saarnayn.
Gaariiga labaad ee ay isagana Mujaahidiintu beegsadeen ayaa waxaa soo gaaray bubur xooggan, waxaa sidoo kale ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isku jira.
Kolonyada gaaadiidka milatariga Kenya ee la beegsaday lagana gubay labada gaari ee kuwa ciidamada qaada ah ayaa kasoo baxay dhanka Mandheera, waxaana ay kusii jeedeen dhanka Magaalada Ceel Waaq ee isla gobolka NFD ee ay Kenya xoogga ku haysato.
Khasaaraha dhimasho iyo kan dhaawac ee soo gaaray ciidamadii Kenyaatiga ahaa ee la beegsaday ayaa ah mid aad u farabadan.
Labadan weerar ee maanta lagu qaaday ciidamada Militariga Kenya ayaa kusoo aadaya xilli sbuucii hore ay Mujaahidiintu weerar lagu dilay laba katirsan saliibiyiinta Kenya ka fuliyeen deegaanka Carabiya oo aanan sidaas uga fogeyn goobta uu weerarkaan maanta ka dhacay.
Ciidamada Mujaahidiinta ee ka hawlgala dhulalka Muslimiinta ee ay Kenya xoogga ku haysato ayaa si joogta ah weeraro xooggan ula beegsada ciidamada Saliibiyiinta ah ee deegaanadaas xoogga ku haysa, halkaas oo ay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed intaba kasoo gaaraan.
Xigasho Idaacadda Islaamiga Andalus.
Calamada.com