Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax iyo weerar toos ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Baydhabo iyo deegaanka Bariire oo ka kala tirsan Wilaayaatka Shabeelada hoose iyo Baay iyo Bakool.
Qaraxa ka dhacay Baydhabo waxa uu sigaar ah kaga dhacay isbaarada maleeshiyaatka Ridada Konfur Galbeed ee Manya-fuulka Baydhabo waxaa qaraxaas ku dhintay Labo askari dhaawacana waa Labo kale oo isla Ridada ah.
Dhanka Bariire ee wilaayada Shabeelada hoose waxey ciidamada Mujaahidiinta weerar ku dileen Afar askari oo ka tirsan maleeshiyaatka kooxda Ridada waxeyna ku dhaawaceen Saddex kale oo Murtadiin ah.
Howlgaladan ka kala dhacay Bariire iyo Baydhabo ayaa kusoo aadaya xilli Labo qarax oo ciidamada Kufaarta Afrikaanta lagula beegsaday xaafada Suuqa Xoolaha ee Muqdisho lagu gubay Labo gaari oo kala ah Booyad iyo Xamuul waxaana qaraxyadaas lagu dilay dilay Todobo askari oo Burundeys ah.
Calamada.com