Tafaasiil dheeraad ah waxaa laga helayaa weerar madaafiic ah oo saacadihii lasoo dhaafay lagu garaacay xerada Xalane oo ah taliska ugu wayn ee ciidamada Afrikaanta ku leeyihiin dalka Soomaaliya.
Ilo wareedyo masuul ah waxay xaqiijiyeen in dhowr madfac ay gudaha u galeen xerada Xalane waxaana lasoo wariyay in duqayntaasi ay gaysatay khasaare kala duwan.
Xoguhu waxay sheegayaan in 6 madfac lagu dhuftay gudaha xerada ciidan kuwaas oo waxyeello xooggan u gaystay dhismaha xerada iyo ciidamada shisheeye inkastoo aanan wali la helin inta uu leegyahay numberka khasaare ee weerarka.
Duqayntan lagu garaacay xerada ugu wayn ee kuffaarta Afrikaanta waxay kusoo beegmaysaa xilli maalmo ka hor ay guutooyinka madaafiicda ee xarakada shabaabul Mujaahidiin ay weerar hoobiyeyaal ah ku qaadeen xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Calamada.com