Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax culus oo saacadihii lasoo dhacay mid ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Qaraxa oo jugtiisa si wayn looga maqlay xaafadaha qaar ka mida magaalada Muqdisho ayay Mujaahidiintu la beegsadeen gaariga afhayeenka waxa loogu yeero maleeshiyaadka booliska kooxda Ridada Somalia.
Weerarka qaraxa waxaa uu si gaar ah uga dhacay waddada 21-ka October ee magaalada Muqdisho waxaana ujeeedka qaraxu ahaa in lagu khaarajiyo afhayeenka booliska Ridada.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijinaya in weerarka qaraxa ah uu ka badbaaday masuulkii uu bartilmaameedku ahaa.
Magaalada Muqdisho waxay hoy u noqotay howlgallada guutooyinka Muxamed Ibnu maslamah, halkaas oo ugaarsi ba’an ay Mujaahidiintu ugu gaysanayaan saraakiisha iyo maleeshiyaadka murtadiinta.
Calamada.com