Ciidamada shabaabul Mujaahidiin gaar ahaan guutada qaraxyada Mujaahidiintu waxay maanta qarax culus la eegteen ciidamo isugu jiray saliibiyiinta xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaad Soomaali murtadiin ah, xilli ay ku sugnaayeen garoonka degmada Xudur ee wilaayada Bay iyo Bakool.
Qaraxa oo ahaa mid jugtiisa laga maqlay xaafadaha degmada Xudur waxa uu si gaar ah kaga dhacay goob ay ku sugnaayeen ciidamada axmaarada iyo maleeshiyaadka dowladda federaalka oo ku dhex taal gudaha garoonka degmada Xudur.
Ilo wareedyo muhiim ah oo ku sugan degmada Xudur waxay wariyeen in qaraxa oo ahaa mid culus uu haleelay ciidamada axmaarada iyo kuwa Soomaalida waxaana la aaminsan yahay in uu gaystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intuba.
Goobjoogeyaal ku sugan garoonka waxay xaqiijiyeen in qaraxa ka dib garoonka ay soo caga dhigatay diyaarad nooca kuwa qummaatiga u kaca ee Helicopters-ka loo yaqaan taas oo goobta ka daabushay maydadka iyo dhaawacyada ciidamada axmaarada iyo kuwa murtadiinta.
Lama hayo tiro rasmi ah oo ku aadan khasaaraha cadowga ku gaaray qaraxa balse diyaaradda kasoo degatay madaarka magaalada iyo maydadka ay daabushay waxay muujinaysaa heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda kasoo gaaray qaraxa.
Qaraxan ka dhacay degmada Xudur waxa uu kusoo beegmayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay illaa 3 qarax lala eegtay kolonyo iyo maleeshiyaad lug ah oo ku socdaalayay deegaanka Baarsan-guuni ee duleedka magaalada Kismaayo, 2 ka mid ah qaraxyadaas waxay Mujaahidiintu la eegteen kolonyada gaadiida murtadiinta halka midka 3-xaadna lala eegtay ciidamo murtadiin lug ah waxaana la wariyay in qaraxa saddexaad uu ku dhaawacmay 1 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka dowladda.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com