Guutada qaraxyada shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Hiiraan waxay saacadihii lasoo dhaafay qaraxyo xooggan oo ay ka fuliyeen gudaha garoonka macmalka ah ee degmada Buula-barde ku burburiyeen dhismihii garoonka ee degmadaas.
Ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin waxay qaraxyo dhowr ah oo gaaraya ilaa 4 qarax ku weerareen garoonka macmalka degmada Buual-barde kaas oo dhowaan dhismihiisu soo gabgaboobay lana doonayay in xadhigga laga jaro balse guutooyinka qaraxyada Mujaahidiinta oo isha ku hayay madaarkaas ayaa qaraxyadan ku burburiyay.
Ilo xog-ogaal ah waxay sheegayaan in qaraxyada qaarkood lagu burburiyay dhismaha garoonka halka kuwa qaarna lagu diyaariyay dhismaha kuwaas oo gaystay khasaare lixaad leh oo gaaray ciidamada dowladda iyo shaqaalihii ku howlanaa dhismaha garoonka.
Sida laga soo xigtay ilo wareedyo masuul ah waxaa qaraxyadan ku dhaawacmay shan xubnood oo isugu jira ciidamada dowladda. shaqaalaha garoonka iyo Injineerkii qaabilsanaa dhismaha garoonka la qarxiyay.
Garoonkan qaraxyada lagu burburiyay waxaa lagu waday in maanta ay soo gaaraan madaxwaynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed si ay xadhigga uga jaraan dhismaha garoonka balse waxaa qorshahaas hakiyay oo fashiliyay ciidamada shabaabul Mujaahidiin.
Magaalada Buula-barde waxay ka mid tahay degmooyinka wilaayada Hiiraan ee ay duullaanka kaga joogaan ciidamada shisheeye ciidamada shabaabul Mujaahidiin ayaana dhowr jeer oo hore howgallo guulaystay ka fuliyay gudaha degmadan.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com