Faahfaahinno ah dheeraad ah ayaa kasoo baxaya jugta qarax xooggan oo maanta barqadii laga maqlay waddo muhiim ah oo dhacda bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Wararka laga helayo isgoyska KM4 gaar ahaan agagaarka madaxtooyadii Cabdi Qaasim ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax xooggan oo lagu beegsaday kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay taliye katirsan maleeshiyaadka Farmaajo.
War rasmi ah oo kasoo baxay Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lagu beegsaday Taliyaha maleeshiyaadka Asluubta kooxda Ridada ninka lagu magacaabo Mahad Cabdi Raxmaan Aadan.
Qaraxa ayaa haleelay gaari kamid ahaa gaadiidkii gelbinayay taliyaha maleeshiyaadka waxa loogu yeero asluubta balse si dirqi ah ayuu uga badbaaday waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii ilaalada u aheyd sida ay sheegayaan ilo wareedyo amni.
Wararku waxay xaqiijinayaan in qaraxa ay ku dhinteen sedax askari oo mid kamida uu ahaa sarkaal sedax xidigle ah halka 7 askari ay ku dhaawacmeen.
Taliyahan lagu beegsaday KM4 ayaa taariikh xun leh wuxuu kamid ahaa saraakiishii ciidamada Xabashida kusoo hoggaamiyay Soomaaliya gaar ahaan gobollada Bay iyo Bakool.