Wararka ka imaanaya Jaziirada Lamu oo ka mid ah dhulalka Muslimiinta ee xooga ay ku heysata dowlada Nasaarada Keya waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay weerar ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan Jaziirada Lamu lagu dilay Nasaaro Kenyaati ah.
Ugu yaraan 5 kenyaan ah ayaa lagu dilay weerar xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Maleli oo katirsan gobolka Lamu.
War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka oo ahaa mid qorshaysan lagu beegsaday dadka Kirishtaanka Kenyaanka ah ee lagu deegaameeyay gobolka Lamu.
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab waxay xaqiijisay in 8 guri oo dad Kenyaan ah deganaayeen lagu gubay weerarka islamarkaana la waxyeeleeyay gaadiid yiillay gudaha deegaanka Maleli.
Warbaahinta maxalliga Kenya ayaa faafisay in waxyeella xooggan ay dadka deegaanka kasoo gaartay weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Maleli islamarkaana ay bilaawdeen Mowjado Barakac ah oo ay samenayaan dadka Kenyaanka ah.
Waa weerarkii 2-aad ee ka dhaca gudaha Kenya tan iyo markii Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay doorashooyinkii madaxtinimada dalka Kenya.