Kadib markii saaka mujaahidiintu ay dagaal xoogan kula wareegeen deegaanka Daynuunay ee duleedka Baydhabo waxa isa soo taraya faahfaahino kasoo baxaya.
Maleeshiyaadka Murtadiinta ee saaka lagala wareegay deegaanka ayaa firxadkii ku galay Baydhabo, waxayna soo abaabuleen dagaal rogaal celis ah, hase yeeshee dhexda ayaa kammiin loogu dhigay waxana gaaray khasaare kale, dib ayayna ugu laabteen Baydhabo.
Deegaankan oo kaabiga ku haya magaalada Baydhabo isla markaana ah jidka kaliya ee ay ku aadaan degmada Buurhakabo oo Axmaaradu ay joogto ayaa dhowr jeer sidan oo kale ku dhacay gacanta Mujaahidiinta qaniimooyina laga helay.