Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar cagta lagu mariyay saldhig ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga sugnaayeen xaafadda Haanta dheer ee degmada Afgooye.
Weerarkan oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin kula wareegeen gacan ku haynta saldhigga ayaa inta la xaqiijiyay waxaa Allaah fadligiis lagu dilay 9 murtad, halka lagu dhaawacay 4 kale oo uu ku jiro sarkaal taliye Horin ah oo lagu magacaabo Kuulle.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu intii uu weerarku socday gubeen hal gaari oo nooca raaxada ah, halka sidoo kalena ay soo qaniimeysteen hub iyo rassaas kala duwan.