Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar dhabbo-gal ah oo ciidamada Mujaahidiintu ku beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan saliibiyiinta Kenya, kuwaas oo ku socdaalayay deegaan ka tirsan gobolka Gaarissa ee dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga dowladda saliibiyadda Kenya.
Kammiinka oo si gaar ah kaga dhacay inta u dhaxayso magaalooyinka Weel-mareer iyo Yunbis oo ka wada tirsan gobolka Gaarissa ee dhulka NFD, ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 9 askari oo Kenyaati ah, halka sidoo kale weerarkan lagu dhaawacay 7 kale oo ka tirsan isla Kuffaarta Kenya.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in nolol iyo geeri lagu la’yahay labo askari oo ka mid ahaa ciidamadii Kenya ee uu weerarku qabsaday, waxaana weerarkan lagu gubay hal gaari halka sidoo kale ay waxyeello xooggan gaartay mid kale.