Wararka laga helayo deegaanka Laanta-Buuro ee gobalka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in qarax xoogan oo nooca miinooyinka dhulka lagu aaso ah lagu beegsaday askarta kuffaarta afrikaanta oo ku lugeeynayay afafka hore ee deegaanka Laanta-Buuro.
Idaacadada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in {4} Afar kamid ah ciidanka gaalada ayaa ku baqtisay weerarkaasi qaraxa ah hal askari oo isla shisheeyaha ahna qaraxa uu ku dhaawacay’waloow Khasaaraha Kufaarta kasoo gaartay qaraxa uu intaasi kasii badan karo.
Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Afrikaanta ayaa goordhow kasoo degatay xerada Aala-yaasir oo fariisimo ay ka sameysteen ciidanka Nasaarada iyadoona halkaasi ka daabushay askartii waxyeelada ku noqotay weerarkii qaraxa ee ka dhacay deegaanka Laanta Buuro.
Qaraxan ayaa imaanaya xilli askari ka tirsan dowlada federaalka lagu dilay qorigii uu watayna looga qaatay weerar qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen isbaarada maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka dhigteen Buundada Sabuun ee duleedka degmada Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe.
Calamada.com