Saacadihii lasoo waxaa qaraxa uu ka dhacay degmada Ceelwaq ee gobalka Gedo kaasi oo lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Qaraxa oo loo adeegsaday Bamka nooca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray maleeshiyaat ka tirsan dowlada federaalka oo ku qayilayay goob ka tirsan degmadaasi.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay inuu arkay hal askari oo ku dhaawacmay qaraxa balse warar hoose ayaa sheegaya in khasaaraha maleeshiyaatka dowlada kasoo gaartay qaraxa uu intaasi ka badanyahay.
Gobalka Gedo ee dhaca dhanka Konfur Galbeed ee dalka Soomaaliya waxaa qeybo ka mid ah gobalkaasi duulaan ku jooga ciidamo Kufaar ah oo ka kala socda dowlada Itoobiya iyo Kenya.
Calamada.com