Saacadihii lasoo dhaafay waxaa qarax culus lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka kuwaasi oo ku socdaalayay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Calamada ee degmada Lafoole waxeyna miinada haleeshay gaari Cabdi bile ah kaasi oo la xaqiijiyay in gabi ahaan goobta uu ku burburay.
Sidoo kale qaraxa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro ka tirsan maleeshiyaatkii dowlada ee lasocday gaariga ay Miinada ku burburisay deegaanka Calamada ee dhaca wadada isku xirta degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho.
Dhowr jeer qarax ka dhacay wadada isku xirta gobalada Banaadir iyo Shabeelada hoose waxaa lagu gubay gaadiid dagaal oo ay leeyihiin Kufaarta iyo dowlada federaalka’waxaa sidoo kale qaraxyadaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday saraakiil iyo askar isugu jirta shisheeyaha iyo kuwa dowlada Ridada federaalka.
Calamada.com