Qaraxyadan oo loo adeegsaday Bambaanada nooca gacanta laga tuura ayaa lagu weeraray goob ay ku qayilayeen maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka taasi oo ku taala agagaarka isgoyska Tarbuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in qaraxyada labadaasi Bam ay ka dhasheen khasaara nafeet oo soo gaartay maleeshiyaatka dowlada federaalka’waxeyna wararku xaqiijinayaan in Lix askar dowlada federaalka looga dilay qaraxyadaasi tiro kalane looga dhaawacay.
Qaraxyada kadib maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka waxey ooda ka qaadeen rasaas fara badan oo dhowr jiha ay u fureen taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay Tiro dad shacab ah.
Maleeshiyaatka dowlada Federaalka iyo ciidamada Kufaarta Afrikaanta ayaa caan ku ah iney ka aargoostaan oo ay dhibaateeyaan dadka shacabka. mar walbo oo khasaara culus kala kulmaan weerarada kaga yimaada dhanka Shabaabul Mujaahidiin.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.