Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan mujaahidiinta ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar balaaran ku qaaday saldhigyada iyo xarumaha ciidamada saliibiyiinta Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Pandanguo ee Jaziirada Lamu, kaas oo ay ku jabiyeen cadowga, kuna qabsadeen gabi ahaanba gacan ku heynta deegaanka.
Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u sheegay in dagaal xoogan ka dib, Mujaahidiintu u suuragashay in ay si buuxda gacanta ugu dhigaan saldhigga iyo xarunta maamulka ka dib markii ay kala firxdeen ciidamadii gaalada ee ku sugnaa deegaanka.
Wararku waxay sheegayaan in halkaas lagu dilay askar dhowr ah oo ka tirsan ciidamada saliibiyiinta iyo dad nasaaro ah, islamarkaana ay Mujaahidiintu ganiimeysteen gaadiid iyo agab kala duwan oo cadowgu uu ka cararay.
Pandanguo ayaa qiyaas ahaantii 30km dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Mpeketoni oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Lamu.
Warbaahinada dalka Kenya ayaa dhankooda xaqiijinaya in deegaanka ay si buuxda gacanta ugu dhigeen Mujaahidiinta, ayna qaateen gaadiid uu ka cararay ciidanka.
Saraakiisha Mujaahidiintu waxay noo sheegeen in libaaxyada Islaamka ee weeraray deegaanka ay weli ku sugan yihiin halkaas, islamarkaana ilaa hadda uusan jirin wax gurmad ah oo cadowga uu soo diray.
Dad goobjoogeyaal ah waxay sheegayaan in ciidamada Mujaahidiinta ay sii dabagaleen firxadka cadowga, sidoo kalena isku faafiyeen deegaanada ku dhow Pandanguo halkaas oo ay ku ugaarsanayaan dadka Nasaarada ah ee ku sugan halkaas.
Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar midkan la mid ah ay Mujaahidiintu ku qaadaan deegaanka Pandanguo ee Jaziirada Lamu.
Waxaa xusid mudan in Mujaahidiinta ay horay u weerareen deegaankan, kuna dileen in ka badan 10 ruux oo Nasaaro intii lagu gudajiray Duulaanadii weynaa ee 2014-kii ka dhacay Mpeketoni ee galaaftay nolosha ku dhawaad 70 ka mid ah saliibiyiinta reer Kenya.
Xigasho Radioandalus24.com
Calamada.com
Qaraabiyo kiristaan manihin qaran walaalaahe
Qaadiru raxmaan niman gartoo qaatay diin tiisa
Iyo qoomu luudyo xag jira maahan qoys ehela