Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka murtadiinta oo dhanka hawada sare ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee dowladda saliibiyadda Mareykanka, kaasi oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.
Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii kolonyada murtadiinta oo magaalada kismaayo kasoo baxay ay isku dayeen inay soo weeraraan deegaanka Beerxaani oo ka mid ah deegaannada dhaca duleedka Kismaayo, laguna maamula ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Dagaalka markii muddo kooban socday waxaa murtadiinta usoo dagay diyaarad Helicopter ah oo goobta ka qaaday maydadka iyo dhaawacyada maleeshiyaadka murtadiinta.
Faahfaahinta la helayo waxay xaqiijinaysaa in maleeshiyaadka murtadiinta dagaalka looga dilay hal askari oo murtad ah, halka laga dhaawacay 4 kale, waxaanay ugu dambayn murtadiintii duullaanka soo qaaday ee diyaaradaha Mareykanku hawada sare ka taageerayeen ay iyagoo jabay dib ugu laabteen magaalada Kismaayo.