Jabhadda hubeysan ee Fano oo dagaal adag kula jirta millatariga dowladda xabashida Itoobiya, ayaa guulo ka sheegatay dagaallada ay kula jirto ciidamada Abiy Axmed.
Warbaahinta taageerta jabhadda Fano, waxay caawa faafisay xog ku saabsan in jabhaddu la wareegtay magaalo Istaraatiiji ah oo dhacda soohdinta ay wadaagaan waddamada Sudan iyo Itoobiya, halkaas oo ay gacanta ku hayeen ciidamada dowladda.
Fano waxay sheegtay in magaalada muhiimka ee ay ciidankeedu la wareegeen lagu magacaabo Gelegu, taasi oo u dhow xuduudka uu ismaamulka Amhara la wadaago waddanka Suudaan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay maleeshiyaadka fallaagada Fano sheegeen in ciidamo xoog leh oo ka tirsan jabhadda ay horumarro ka sameeyeen dhanka magaalada Lemi oo 126km u jirta magaalada Addis-ababa ee caasimadda u ah dowladda xabashida, halkaas oo ay sheegeen inay jab lixaad leh ku gaarsiiyeen ciidamada millatariga, taasi oo keentay inay u cararaan dhanka gobolka Oromia, waa sida ay sheegteene.
Xoogagga hubeysan ee jabhadda Fano iyo millatariga xabashida ee uu ra’iisul wasaaraha u yahay Abiy Axmed ayaa si wayn ugu loollamaya Ismaamulka Axmaarada ee dhaca waqooyiga Itoobiya, waxaana hadda uu dagaalku u muuqdaa mid xooggiisa u gudbay xuduudka Suudaan, halkaas oo ay dhinacyadu dhaqdhaqaaqyo dagaal ka billaabeen.