Gobolka Axmaarada ee dhaca waqooyiga dalka Itoobiya, ayaa weli marti gelinaya isku dhacyada hubeysan ee u dhaxeeya millatariga xabashida iyo maleeshiyaadka jabhadda hubeysan ee Fano.
Dagaallada ayaa ku faafay magaalooyin hor leh, jabhadda Fano ee Axmaarada ayaa caawa sheegtay inay dalaalyahannadeedu ka dagaallamayaan meel 13 mayl u jirta Dessie oo ka tirsan gobolka Axmaarada, si gaar ah waxay dagaalladu uga socdaan deegaanka Kutaber.
Saacadihii lasoo dhaafay waxay jabhadda Fano sheegtay inay dhexda u gashay oo ay ciidankeedu gacanta ku dhigeen laba gaadiid oo ah nooca loojistikada ah oo ay wateen cidamo ka tirsan millatariga dowladda Itoobiya, waxay xustay in gaarigaasi si gaar ah loogu qabtay Koonfurta Wollo.
Sawirro ay soo bandhigeen ayaa muujinaya 2-da baabuur oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Fano, waxayna sheegeen inay dileen dhowr askari oo ka tirsanaa ciidanka Abiy oo baabuurkaasi la socday.