Gabi ahaan waxaa saaka xiran wadada dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose.
Wadada waxaa xiray ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka kuwaasi oo gabi ahaan gaadiidka dadweynaha u diiday isticmaalka wadadaasi.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in wadada loo xiray madaxweynaha dowlada Murtad Farmaajo kaasi oo la sheegay inuu socdaal ku tagayo degmada Afgooye.
Dadweynaha ka imaanaya gobalka Shabeelada hoose ee waxbarashada’ganacsiga ama caafimaadka usoo aadayo magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa soo wajahday dhibaato aad u xoogan iyagoona lug kusoo galayo magaalada Muqdisho.
Farmaajo ayaa xilligii la dooranayay sheegay inaan wado dambe la xeridoonin balse sida muuqato waxa uu maray wadadii ay ku tageen xubnihii isaga kaga horeysay hogaanka dowlada Ridada.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.
Camiil kii naftiisaw baqaan ruuxna ceesayne
Culumaa usuu iyo caami dagi weeye
Cabir kiisu waa gaalo raac caaq maraykaane
Caryaa gaalo raac iyo camiil cayn shey gacal sheega
Caryaa caaq madiidina arkoon cadaw rarsaaraynin
Waa calan maraykaan wuxuu ciida surayaaye
Cilji yada madaw iyo cadaan ciida guranaaya
Caado qaate mooyee nin ragu ciil laluud noqoye
Caawimaad kasugi mayn nijaas diin ka cadaw giisa