War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa shaqadii R/wasaaranimo looga joojiyay Max’med Xuseen Rooble kadib markii lagu helay musuq maasuq iyo xatooyo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray xalay saqdii dhexe ku shaaciyay in R/wasaarihiisi uu lugaha lagalay Musuq maasuq iyo xatooyada hanti guud sidaas daraadeed uu shaqada ka joojiyay.
Villa Somalia ayaa ku eedaysay R/wasaare Rooble in uu si shakhsi ah udhistay dhul ay leeyihiin ciidamada badda islamarkaana uu is hortaag ku sameeyay kiiska baarista uuna casilay wasiirkii Gaashaandhigga.
Tani ayaa muujinaysa heerka uu gaaray khilaafka udhaxeeya labada dhinac, dhinaca dowladaha kala ah Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa ku dhawaaqay in ay taageersanyihiin Rooble waxayna ugu baaqeen in uu sii wado doorashooyinka