Waxaa sii xoogeystay Khilaafa ka dhex taagan xubnaha dowlada Ridada,iyadoona Khilaafka uu gaaray in Farmaajo uu xil ka qaadis ku sameeyo gudoomiyahii dowlada Ridada ugu magacownaay gobalka Banaadir.
Farmaajo ayaa xilka ka qaaday Thaabit oo ahaa gudoomiyaha gobalka Banaadir ee maamulkiisa waxaana uu xilka gudoomiyaha gobalka Banaadir u magacaabay Murtad Cabdi Raxman Yariisow oo ah Waziirka Warfaafinta dowlada Ridada.
Maleeshiyaat Taabacsan Farmaajo ayaa saaka lagu daadiyay xoogna kula wareegay xarumihii uu ku shaqeynayay maamulka Murtad Thaabit,waxaa suura gal ah in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dagaalo culus oo u dhaxeeya maleeshiyaat kala taabacsan Murtadiinta kala ah Thaabit iyo Farmaajo.
Munaasabad xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu Thaabit ku sheegay in loo doortay gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ee Labada Sano ee soo socota taasi oo sii xoojisay Khilaafka ka dhex taagan isaga iyo Farmaajo.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.