Mas’uulka ugu sarreeya Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in inta badan dowladaha qeybta ka ah duullaanka AMISOM ay ciidamadooda kala bixi doonaan Soomaaliya.
Wakiilka Midowga Afrika wuxuu sheegay in 10,000 Askari oo katirsan Howlgalka AMISOM ay isaba bixi doonaan dalka Soomaaliya inta lagu guda jiro sanadda 2017 sidaas daraadeed ay caqabad kasoo wajahayso dagaalka ay kula jiraan Shabaabul Mujaahidiin.
Midowga Afrika wuxuu ka cabanayaa dhaqaale xumo iyo habacsanaan taasi oo xarakada Al Shabaab u suurtagelisay in ay awoodeeda ku fidiso degmooyin ay isaga baxeen ciidamada AMISOM.
Francisco Madeira ayaa carrab dhabay in dowlado hadda ciidamadoodu ku suganyihiin ay ku hanjabeen in ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya inta lagu gudajiro sanadda 2017.
Sidoo kale warka kasoo baxay Ururka AU ayaa lagu sheegay in AMISOM aysan awoodin ka hortagidda weerarada Xarakada Al Shabaab “Tirada Ciidamada aan haysano ma awoodaan in ay ka hortagaan weerarada Al Shabaab wayna adkaan doontaa in aan sii maamulno magaalooyin hadda gacanteena kujiroâ€ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wakiilka AU ee arrimaha Somalia.
Qeylla dhaantan kasoo yeertay Francisco Madeira ayaa imaanaysa xilli lafilayo in ciidamada Itoobiya ay isaga baxaan degmooyin iyo deegaano katirsan gobollada Galguduud,Hiiraan iyo Bakool islamarkaanka Burundi ay ku hanjabtay in ciidamadeeda ay kala baxayso Soomaaliya.
Khubaro reer galbeed ah oo u kuurgala arrimaha Bariga Afrika waxay sheegayaan in waqtigan la joogo aysan Reer galbeedku awoodin bixinta dhaqaale ay kusii maalgeliyaan duullaanka Soomaaliya islamarkaana uu maranyahay jeebka ‘Deeq bixiyaasha caalamiga ah’.
Hoggaanka Xarakada Jihaadiga Al Shabaab ayaa horay u sheegay in ay sii wadayaan dagaalka inta ay ciidamada shisheeye isaga baxayaan ciidda Soomaaliya.