Habeenkii xalay waxaa qeybo ka mid ah dalka Konfur Afrika lagu dilay Fu,aad Xuseen oo ka mid ahaa ganacsatada Somalida ah ee ku dhaqan dalkaasi.
Kooxo burcad Konfur Afrikan ah ayaa la xaqiijiyay in ruuxaasi ganacsadaha Somaliga ah ay ku weerareen goob ganacsi uu ku lahaa tuulo hoostagta magaalada Johannesburg ee xarunta dalka Konfur Afrika.
Kooxaha Burcadda ah ayaa dilay ruuxa gaancsadaha Somaliga ah waxeyna sidoo kale boobeen hantidii uu lahaa Fu,aad ee taalay goobtiisa ganacsiga ee ay ku weerareen.
Inta badan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Konfur Afrika ayaa dilal iyo boob xoogan kala kulmo kooxo Burcad Konfur Afrikan ah.
Calamada.com