Maalmahanba waxa aad la isku waydiinayay furinta dagaalka ee uu joogo Abay Axmed midda ay tahay, waxana aad u raadinayay Tigreega oo lacag u ballan qaaday ciddii soo sheegta furinta uu ku jiro, hase yeeshee maanta ayuu si lamo filaan ah uga soo muuqday furinta dagaalka ee dhanka Canfarta, waxana la filayay in uu ku suganyahay furinta ku aadan ciidanka kusoo siqaya Adisababa.
Muuqaalkan oo laga sii daayay tv Oramadu leedahay ayuu ku sheegay in guulo ay ka gaareen dagaalka isagoo tilmaamaya dhul buuralay ah oo uu sheegay in ay ka kiciyeen Tigreega.
Dagaalka Itoobiya ayaa maraya marxaladdii ugu adkayd, waxana xalay la isla soo galay magaallo aad ugu dhow Adisababa oo lagu magacaabo Debre Burhan, magaaladaasi oo ah magaalo caan ah, waxana yaalla difaacii ugu adkaa ee ciidamada Itoobiya, hub aad u culus ayaana hadda la isku adeegsanayaa, magaaladaasi hadii ay soo jiiraan Tigreegu waxa la tilmaamayaa in si fudud ay kusoo gali karaan Adisababa.
Halkan kala soco wixii kasoo kordha dagaalka Itoobiya.