Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka Kooxda ridada Somalia ayaa si barer ah qof shacab ah ugu jiiray xaafada Haanta dheer ee magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal halkaasi ka agdhawaa ayaa xaqiijiyay in gaariga Cabdi Bilaha uu socodkiisa iska sii watay markii uu jiiray qofka shacabka ah,kaasi oo ugu dambeyntii meydkiisa ay goobta ka qaadeen dadka shacabka kuwaasi oo si aad ah uga carooday dhacdada naxdinta leh ee ay ku dhaqaaqeen maleeshiyaatka Kooxda Ridada ah.
Gaadiidka ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka Murtadiinta ayaa dhowr jeer sidan oo kale dad shacab ah ugu jiiray gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho.
Dhacdadan ayaa qeyb ka tahay dhibaatooyinka Kufaarta iyo Murtadiinta ay ku hayaan shacabka ku dhaqan gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho.
Calamada.com