Gaadiidka ciidamada Burundi ayaa gudaha degmada Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe si arxan darro ah ugu jiiray Ruux shacab ah oo darawal ka ahaa Mooto Bajaaj.
Gaariga Gaashaaman ee ciidamada Kufaarta Burundi ayaa qofka shacabka ah iyo Mootadiisa si ula kac ah waxa ugu jiiray agagaarka saldhiga degmada Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe.
Ruuxa Shacabka ah ee gaadiidka Kufaarta Afrikaanta ay ku dardareen gudaha degmada Jowhar ayaa la sheegay inuu dhaawac culus soo gaaray waxaaa markii dambe loola cararay goobaha caafimaadka.
Gaadiidka Kufaarta ee qofkaas shacabka ah jiiray ayaa socodkooda iska sii watay mana aysan u istaagin,dhacdooyinka ceynkaan oo kale ah ayeey joogta ka dhigteen ciidamada Kufaarta Afrikanta.
Saacadihii lasoo dhaafay gaadiidka maleeshiyaatka dowlada Ridada ayaa iyaguna si arxan darro ah dad shacab ah ugu jiiray goobo kala duwan oo magaalada Muqdisho ah.
Calamada.com