Boqolaal qof shacab ah oo ku dhaqan duleedka magaalada Muqdisho ayaa maanta gelinkii dambe dhigay iskusoo baxyo ka dhan ah ciidamada Kufaarta Afrikaanta ee duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday Soomaaliya.
iskusoo baxyadan cabashada ah ayaa yimid kadib markii kolonyo katirsan ciidamada shisheeyaha ay jiireen mooto ay wateen dhalinyaro deegaanka ah xilli ay ku socdaalayeen halka loo yaqaan Ceelasha Biyaha.
Goob joogayaal ayaa sheegay in gaadiidka gaalada ay dulmareen seddax qof iyo mooto laba lugooleey ah oo ay wateen kadibna ay usii dhaqaaqeen dhanka magaalada Muqdisho.
Meydadka dhalinyarada ay gaadiidka shisheeyaha jiireen ayaa muddo ku dhow 40 daqiiqo waxay yiilleen wadada laamiga ah ee dhaxmarta deegaanka Ceelasha Biyaha.
Dhowr jeer oo hore ayeey sidaan oo kale gaadiidka shisheeyaha waxey dad isugu jira shacab iyo askarta dowlada federaalka ku jiireen gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho,iyagoo sidoo kale dadkaasi uga dhaqaaqay goobihii ay ku jiireen.