Kolanyo ka tirsan gaadiidka Kufaarta Afrikaanta ayaa gudaha magaalada Muqdisho ku jiiray gaari ay lasocdeen dad rakaab oo shacab ah.
Gaadiidka shisheeyaha ayaa gaariga shacabka ku jiiray agagaarka Beerta Khaadka ee degmada Hodan’iyadoona shilkaasi uu sababay khasaara soo gaartay Rakaabka iyo sidoo kale gaariga.
Shilika kadib waxaa goobta isugu soo baxay dad shacab ah oo careysan balse durbadiiba ciidamada Kufaarta Afrikaanta ayaa ooda ka qaaday rasaas xoogan oo ay ku kala ceyriyeen dadka shacabka.
Gaadiidka Shisheeyaha ayaa wadooyinka Muqdisho si joogta ah ugu jiira dadka shacabka’waxeyna falkan naxdinta leh ee maanta ay geysteen gaadiidka Shisheeyaha kusoo aadayaa xilli maalmo ka hor dowlada Ridada federaalka ay sameysatay madaxweyne cusub.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.