Qaar ka mid ah gaadiidleyda ka howlgala ismaamullada Kenya, ayaa shaaciyay inay wajahayaan xaalado amni darro oo faraha ka baxay, kuwaas oo ay ka dambeeyaan kooxo burcad ah oo hubeysan.
Darawallada kaxeeya gaadiidka xamuulka qaada ee ka howlgala waddankaasi, ayaa sheegay inay shaqo joojin rasmi ah samayn doonaan labada toddobaad ee nagu soo aaddan, sababo ku aaddan falalka amni darro oo noqday kuwa xarka goosad ah.
Waxay si gaar ah cabasho uga muujiyeen dhibaatooyinka kala duwan ee isugu jira dilalka dhaawaca iyo dhaca ay kala kulmaan waddooyinka mara ismaamullada kala ah Kisumu, Busia, Eldoret iyo Malaba, kuwaas oo noqday bartilmaameedyo gaar ah oo lagu ugaarsado wadeyaasha gaadiidka xamuulka.
Gaadiidleyda oo la hadlayay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in dharaar cad ay darawallada kaxeeya gaadiidka xamuulka qaada la kulmaan dhac baahsan, iyaga oo si gaar ah u tilmaamay in bil gudaheeda la weeraray ilaa 10 wadeyaal ah oo mid ka mid ah la dhaawacay, dhaawacaas oo keenay in uu ugu dambayn u geeriyoodo.
Ugu dambayn waxay sheegeen in laba toddobaad kaddib ay ku dhawaaqi doonaan shaqo joojin rasmi ah, maadaama ay ku suganyihiin xaalad halis ah, mar walbana ay bartilmaameed u yihiin kooxaha burcadda ee dilalka iyo dhaca gaysta.