Howlgal qarax ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen duleedka degmada Ceelwaaq ee wilaayada Gedo, kaasi oo lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Riddada oo ku socdaalayay duleedka degmadaasi.
Gaari Cabdibile ah ayaa si gaar ah loola beegsaday qaraxa, waxaana ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan maleeshiyaadkii murtadiinta saarnaa gaariga la qarxiyay.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xerada ciidamada Kuffaarta Yugaandha ee degmada Buulo Mareer, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu weerareen xerada Kuffaarta Yugaandha ee deegaanka Buur colow ee ka tirsan degmada Baraawe.
Dhanka Bakool, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada ciidanka Kufaarta Xabashida Itoobiya iyo saldhiga maleeshiyaadka murtadiinta ee degmada Waajid, waxaa halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhanka Wajeer ee dhulka NFD ee Kenya gumeysato, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta Kenya kaga suganyihiin deegaanka Qarso ee hoostaga degmada Qorof-xaraar.
Dhanka Mandheerana, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhiga Kufaarta Kenya ee deegaanka Haluungo ee hoostaga degmada Lafeey ee gobalka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyadda Kenya.