Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gaari ciidan oo ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka si bareer ah wiil dhalinyaro ah ku jiiray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada ayaa wiilkan dhalinyarada ah kana mid ah shacabka magaalada Muqdisho ku jiiray agagaarka isgoyska Tarbuunka ee degmada Hodan.
Wiilka dhalinyarada ah ee gaariga Cabdi Bilaha jiiray ayaa dhaawac culus soo gaaray’waxaa loola cararay goobaha caafimaadka oo markii dambe uu ku geeriyooday.
Gaariga Cabdi Bilaha ah ee maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ayaa iska sii socday’iyagoo aanan u istaagin wiilka yar ee ay jiireen waxeyna u dhaqaaqeen oo gudaha u galeen dhismaha Wazaaraddii hore Gaashaandhiga magaalada Muqdisho.
Maalmo ka hor ayeey aheed markii sidoo kale gaadiidka Kufaarta Afrikaanta gaari rakaab Shacab ah la socdeen ku jiireen agagaarka Beerta Khaadka ee degmada Hodan’waxeyna arintaan qeyb ka tahay dhibaatooyinka shisheeyaha iyo maleeshiyaatka dowlada federaalka ku hayaan shacabka Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.