Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qaraxyo khasaara badan dhaliyay lagula eegtay ciidamada shisheeyaha Afrikaanta ee Soomaaliya kusoo duulay.
illaa laba qarax ayaa maanta gelinkii dambe ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Kufaarta Afrikaanta lagula beegsaday deegaanno dhanka waqooyi uga beegan magaalada Marka ee xarunta u ah Sh/Hoose.
Qaraxa koowaad ayaa lala helay kolonyo gaadiid ah oo ku socdaalayay meel ku dhow deegaanka Shalaanbood waxaana qaraxaas ku gubtay gaari Taaw ah oo ay wateen ciidamada labeegsaday sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Daqiiqado kadib ayaa qarax kale lala helay ciidamo Yugaandheys ah oo ku lugeynayay inta u dhaxaysa deegaanka Buufoow iyo Shalaanbood, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.