Maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka waxey saacadihii lasoo dhaafay gaadiid Rakaab ah oo dad shacab ah la socdeen ku dhaceen deegaan hoostaga degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe.
Maleeshiyaatka dowlada ayaa gaadiidka iyo dadkii lasocday ka qaatay lacago iyo Moobeelo fara badan’iyadoona dadka qaar ee rakaabka ka tirsan jirdillo xoogan u geystay.
Gaadiidka iyo rakaabka ay dhaca baahsan kula dhaqaaqeen maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ayaa ka baxay magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku siijeeda bartamaha dalka Somaliya.
Wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Jowhar ayaa ka mid ah wadooyinka maleeshiyaatka dowlada federaalka ay dhigteen isbaarooyinka ugu badan ee ay ku dhibaateeyaan dadka iyo gaadiidka safarka ah.
Calamada.com