Qarax culus ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Xabashida Itoobiya oo ku socdaalayay duleedka degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ee Bartamaha dalka Somalia.
Qaraxan waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Ceel-muslim oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka Beledweyne waxaa dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay deegaano badan oo ka tirsan gobalka Hiiraan.
Qaraxa ayaa haleelay gaari Uuraal ah kaasi oo gabi ahaan goobta ku basbeelay waxaa sidoo kale qaraxaasi baqti iyo dhaawac ku noqday askartii Xabashida ee la socotay gaarigaasi.
Kolanyadan qaraxa lala beegsaday ayaa ka baxay degmada Beledweyne waxeyna kusii jeedeen gudaha Dalka Itoobiya waana kolanyadii Muddo bil ah ku socdaaleysay wadada isku xirta degmooyinka Beledweyne Buulo burte iyo Jalalaqsi oo ka wada tirsan gobalka Hiiraan waxeyna kolanyadaasi mudadaasi bisha ah la kulmeen weeraro kala duwan oo ay ku waayeen gaadiid iyo askar.
Calamada.com
jaabir