Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gudaha magaalada Muqdisho lagu rasaaseeyay gaari uu leeyahay mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ee dowlada Ridada federaalka kaasi oo warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan.
Gaariga xildhibaanka waxaa lagu rasaaseeyay agagaarka saldhiga degmada Waabari ee magaalada Muqdisho’waxaa gaariga rasaaseeyay maleeshiyaat daacad u ah gudoomiyihii hore ee dowlada Ridada ugu magacownaay degmada Wadajir ninka lagu magacaabo Axmed Daaci.
Rasaasta waxaa ku dhaawacantay labo ruux oo gaariga la rasaaseeyay la socotay balse lama xaqiijin magacaba xildhibaanka oo haweeney ah iyo iney xildhibaanada xilliga rasaasta ay la socotay gaariga.
Axmed Daaci oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa xusay in ilaaladiisa si kam ah ay ku rasaaseeyeen gaariga kadib markii ay ka shakiyeen.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.