Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka waddanka Ciraaq ayaa lasoo wariyay in lagu dilay khilaaf gacan ka hadal ah oo laga soo tabiyay Kabala oo ka tirsan waddanka Ciraaq.
Ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa shaaciyay in sarkaal darajadiis ciidan ahayd Gaashaanlle Dhexe oo ka tirsanaa Taliska Karbala ee ciidanka Ciraaq, la khaarajiyay, kaddib markii uu muran soo kala dhex galay isaga iyo qof kale, xilli ay ku sugnaayeen haro lagu magacaabo Al-Razzazah oo dhacda gobolka Karbala.
Ilo-wareedyada ayaa warbaahinta maxalliga ah ku yiri “Sarkaal darajadiisu tahay Gaashaanle Dhexe ee ka tirsanaa Taliska Hawl-galka Karbala ayaa la dilay ka dib markii uu gacan ka hadal ka dhacay harada Al-Razzazah, waxaana lagu dhuftay mindi, taasoo keentay in goobta ku qurbaxo”.
Gaashaanlahan ayaa la sheegay in xilliga la dilayay uu ahaa mid ka maqan taliska ciidamada, uuna fasax u ahaa qoyskiisa, sida ay shaaciyeen ilo wareedyada amni ee soo dusiyay dhacdadan.