Wararka ka imaanaya magaalada Addis-ababa ayaa sheegaya in toogasho ka dhacday magaaladaasi lagu khaarajiyay ganacsade kasoo jeeda ismaamulka Amhara ee waqooyiga Itoobiya.
Ganacsadaha la khaarajiyay ayaa lagu magacaabi jiray Biresaw Minale, dilka ayaa la wariyay in uu dhacay isniintii lasoo dhaafay, balse warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka uu dilku u dhacay.
Warbaahinta Meseret, waxay sheegtay in ganacsadahaasi lagu dhex dilay gaarigiisa, xilli uu sii galayay albaabka hoygiisa oo kolkaas uun laga furay, gurigiisa ayaa kuyaal aagga Lemi Kura sida la shaaciyay.
Sidoo kale waxaa jira warar kale oo sheegaya in ganacsadaha lagu toogtay gurigiisa, dhacdadaan ayaa dhacday abaaro 7:30 PM wakhtiga maxalliga ah Isniintii lasoo dhaafay, Ilo kale oo deegaanka ah waxay sheegayaan in lagu aasay ninkaasi Kaniisadda Salite Mehret ee magaalada Addis Ababa.
Booliska ka howlgala Addis Ababa ayaanan ka hadlin dhacdada, wararka qaar ayaa tilmaamaya in markii ganacsadaha la dilayay ay goobta ka maqneyd Korontada, taasi oo shaki gelisay dadka deegaanka, kuna tilmaameen in uu dilku yahay mid qorsheysan oo lasoo agaasimay.
Biresaw Minale ayaa lasoo wariyay in uu ka soo jeedo deegaanka Bichena ee dhaca ismaamulka Axmaarada ee waddanka Itoobiya, waxaanu ka mid ahaa ganacsatada ka shaqayn jiray dhinaca warshadaha.