Waddanka Koonfur Africa oo caadi ka ah dilalka ka dhanka ah dadka aan dalkaas u dhalan, waxaa saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay wiil dhalinyaro ah, oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee howlaha ganacsi u tagay waddankaasi.
Ilo wareedyo ku sugan South Africa ayaa soo sheegay in Maxamed Axmed Maxamuud oo loo garan ogaa Maxamed Adeeroow, oo ka mid ahaa dadka aadka looga yaqaan magaalada Cape town, ay kooxo hubeysan oo burcad ah ku dileen goobtiisa ganacsi.
Kooxda burcadda Koonfur Afrikaanka ah ayaa lasoo wariyay in Maxamed Adeerow ay goobtiisa ganacsi ugu dhaceen, kaddib dhowr xabaddood ku dhufreen, waxaana goobta uu dilku ka dhacay goor dambe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa booliska Koonfur Africa, kuwaas oo aan wax tallaabo ah ka qaadin burcadda dilka gaysatay.
Ciidanka Booliska waddanka South Africa, ayaa qudhooda lagu eedeeyaa inay gacan ka gaystaan dilalka ka dhanka ah Soomaalida iyo dadka kale ee dalkaas ganacsiyada ku leh, kuwaas oo dhibanne u ah dilalka burcadda hubeysan ee ugaarsiga ku haysa.