Wararka ka imaanaya dalka Konfur Afrika ayaa sheegaya in 24-kii saac ee u dambeysay markale gudaha dalkaasi lagu dilay dad Somali ah kuwaasi oo qeyb ka ahaa ganacsatada Somalida ee mehradaha ganacsi ku leh dalkaasi.
Kooxo Burcad Konfur Afrikan ah ayaa Tuulo hoostagta magaalada Pretoria ku dilay Labo ruux Somali ah oo Mehrado ganacsi ku lahaa Tuuladaasi.
Labada Ruux Somalida ah ee ay dileen Kooxaha Burcad Konfur Afrikanta ah ayaa lagu kala magacaabi jiray Muumin Xuseen Wehliye iyo Aweys Sheekh Cali,waxeyna Kooxaha Burcad Konfur Afrikanta ah dadkaasi ku dileen afafka hore ee goobahooda ganacsi.
Weerarkan loo geystay Labadaasi ruux ee qeybta ka ah Somalida ku sugan dalka Konfur Afrika ayaa kusoo aadeysa xilli kooaha Burcad Konfur Afrikaanta ah ay sii kordhiyeen dilalka dhaca iyo boobka ay u geysanayaan dadka Somalida ah ee Ka shaqaynsta dalkaasi,iyadoona Sanad walbo gudaha dalkaasi lagu dilo boqolaal ruux oo Somali ah.
Dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi ayaa ku eedeeyay ciidamada nabadgelyada u xilsaaran ee Koonfur Afrika inay waxba ka qabanin weerarada joogtada ee loo geysto naftooda iyo hantidooda, iyadoona mararka qaar ay dhacda in ciidamadaas ay qayb ka noqdaan bililiqada loo geysanayo goobahooda Ganacsi.
Calamada.com