Wararka ka imaanaya waddanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay laba qof oo Soomaali ah siyaabo kala duwan dil iyo dhaawac loogu gaystay deegaanno hoostaga magaalooyinka Cape Town iyo Johannesburg.
Ilo wareedyo ku sugan South Afrika waxay soo sheegeen in Cabdi Xassan Cali ay dil bareer ah u gaysteen kooxo burcad ah oo hubeysan, kuwaas oo ugu dhacay dugaan uu kulahaa degmada isku raranka ah ee Khayelitsha ee hoostaga magaalada Cape Town.
Muuqaal ay duubtay cameradda qarsoon ayaa muujinayay burcada oo dilka kaddib ka baxsanaya goobta, waxaana halkaas goor dambe soo gaaray ciidamo ka tirsan Booliska, oo sida caadada u ahayd sameeyay baaritaano aysan wax natiijo ah kasoo bixin.
Sidoo kale kooxo burcad ah oo hubeysan, ayaa dhaawacay ganacsade kale oo lagu magacaabo Xuseen Qalaafe, waxayna burcaddu ku dhaawaceen dukaan uu ka howlgalayay oo kuyaal tuulada Springs ee Hoostagta magaalada Johannesburg ee waddanka Koonfur Afrika.
Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Africa waxay xaqiijiyeen in dhaawaca Xuseen lagu dabiibayo mid ka mid ah cisbitaallada kuyaal magaalada Johannesburg, waana qayb ka mid ah dilalka iyo dhaawaca joogtada ah ee ay la kulmayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi u shaqo tagay.