Dalka Koonfur Afrika waxaa markale laga soo tabiyay dhacdo weerar ah, oo lagu beegsaday dad Soomaaliyeed oo ganacisyo kala duwan ku leh waddankaasi, xilli maalmihii lasoo dhaafay ay sare usii kaceen beegsiga burcadda ee ka dhanka ah ganasatada ay Soomaalidu ka mid tahay.
Koox burcad ah oo u dhalatay Koonfur Africa ayaa dugaankooda ku weeraray laba nin oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu kala magacaabo C/casiis iyo Aadan, waxayna kooxdaasi dukaankan weerartay xilli ay ganacsatadaasi hurdeen.
Kooxda burcadda ah ayaa markii ay jabiyeen goobta ganacsi kadib rassaas culus ku furay dukaanka, waxayna taasi keentay inay dhaawacyo soo gaaraan labada qof ee Soomaalida ah, dugaankaasi ayaana kuyaal magaalada Nelspruit ee dhaca waqooyi bari waddanka Koonfur Afrika.
Dhaawaca C/casiis ayaa lagu sheegay inuu yahay mid culus waxaana ay rassaastu ka haleeshay jilibka iyo gacanta, waxaana dhaawacyadooda qaaday mid ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ka agdhawaa, waxayna tani kusoo beegmaysaa xilli ay sii kordheen beegsiga ka dhanka ah Soomaalida ganacsiyada ku leh dalka Koonfur Africa.