Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in ciidamada Difaaca Cirka ee Imaarada Islaamiga Afghanistan ay dhulka soo dhigeen mid ka mid ah diyaaradaha Basaaska ee dowladda Saliibiyadda Mareykanka.
Ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan ayaa diyaaraddan kusoo riday deegaan ka tirsan Wilaayada Qandahaar Ee Konfurta dalka Afghanistan,waxaana burburka diyaaraddan gacanta ku dhigay ciidamada Mujaahidiinta.
Warbaahinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa soo bandhigay Sawirada Diyaaradda ay soo rideen ciidamada Mujaahidiinta taasi oo xilliga lasoo ridayay ku guda jirtay howlo basaasnimo ah.
Dhanka kale Guutada Qaraxyada Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa qarax culus la beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah Wilaayada Lowjar ee bartamaha dalka Afghanistan.
Qaraxa ayaa haleelay gaari Gaashaaman oo qeyb ka ahaa Kolanyada la beegsaday gabi ahaan gaariga ayaa goobta ku burburay waxaana sidoo kale baqti iyo dhaawac noqday askartii American-ka ee la socotay gaarigaasi.
Weeraradan oo qeyb ka ah Xamlo dagaaleedka Al-khandaq ayaa kusoo aadaya xilli dhiig bax xoogan ay la kulamayaan ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka ee duulaanka ku jooga dalkaasi waxaana xusid mudan in maalmihii lasoo dhaafay gudaha dalka Afghanistan ay ka dhaceen Weeraro dhowr oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen Saraakiil iyo askar American ah.
Allaahu akbar