Dowladda Shiicada Iiran ayaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqday geerida Ibrahim Ra’iisi oo ahaa madaxweynihii dowladda, wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Huseen Amir Cabdullahyaan, iyo masuuliyiin kale, ka dib markii ay diyaarad helikobter ah kula burburtay gobolka bariga Azarbayjaan ee dhaca waqooyi galbeed Iiraan.
Telefishinka rasmiga ah ee dowladda Iran ayaa shaaciyay halaagga Raiisi iyo Xusein Cabdel-Lahyaan oo ku dhintay shil diyaaradeed, madaxweyne ku xigeenka dowladdaasi ninka lagu magacaabo Muxsin Mansuuri ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee X ku xaqiijiyay geerida ninkan.
Diyaaradd uu la socday Ra’iisii iyo wafdigiisa ayaa ku burburtay deegaanka lagu magacaabo Julfa ee buuraleyda ah, halkaasi oo ay ku jirto xaalad cimilo xumo ah oo aad u xooggan, xilli uu kasoo laabtay xaflad uu ka qeyb galay subaxnimadii Axadda ee shalay, isaga iyo dhiggiisa Azarbayjaan.
Maydka madaxwaynaha dowladda Iiraan iyo xubnaha la socday uu ka mid yahay Xuseen Amiir Cabdel-Lahyaan oo xikuumaddan ugu magacownaa wasiirka Arimaha dibada ayaa la helay saakay.